Loading...

Waa in aad garanayso waxa aad samaynayso marka aad boodayso.

Waa maalin ku wanaagsan boodisda!

Sidoo kale waa maalin wanaagsan xaga aaminaada Eebba.

Waan in aad xaqiiqda ogaataa inta aanad is dhiibin.

Filinka waxa aan ku sharaxayaa sidii aan ku ogaaday xaqiiqda dhabta ah ee Eebe.

Da’daydu markay ahay 18 jir, bishii Juun 1989 ayaan shahaadada dugsiga sare qaatay.

Saxiibkay oo gaadhi aabihii leeyahay oo Porche ah watay ayaa ii raac yidhi ana waan raacay.

Xawli ayaa ku soconay kadibna shil ayaan galnay.

Waxa aan ku soconay xawaare dhan 80 km saacaddii. Suunka gaadhina ma xidhnayn.

Wax dhaawac ah ima soo gaadhin. Ambalaas ayaa loo yeedhay.

Ambalaasta gudaheeda ayaan ku duceystay: “Rabbiyow adaa mahad iska leh maadama aan waxba isoo gaadhin”.

Dhawr usbuuc kadib waxa aan fasax ku tagay New York.

Halkaas waxa aan kula kulmay saaxiibadaydiii hore ee reer Kolombiya.

Waan is jeclaanay wakhti fiicana waan wada qaadanay.

Markii aan Holand ku soo noqday ayaan waxa aan is weydiiyay: “waa maxay noloshu?”

Waa maxay jaceylku? Maxaan u noolahay? Illaahay muu jiraa? Wa’ayo Isagu?

Waxaan ku duceystay: “Illaahyow ii gargaar si xaqiiqda dhabta ah ee Adiga kugu saabsan aan u ogaado.”

Bishii sebtember ee sanadkaas waxa aan Deventer  ka bilaabay waxbarasho heer dhigrii ah.

Wakhti yar ka dib, waan istaagay oo muraayadda ayaan isku fiiriyay oo waxa aan arkay waji laga sasayo (argagaxayo).

Waan argagaxay oo waanan cabsaday. Awood ayaa i muquunisay.

Waan aqoonsan waayay in aan aniga ahay.

Waxa aan go’aansaday in aan duceysto: “Illaahayow i caawi!”

Isla markiiba caadi ayaan noqday.

Waxa aan is weydiiyay: “Wa’ayo Illaahani?”

Waa uu i ilaaliyay markii aan shilka galay.

Imikana awoodiisii aan la arkayn ayuu adduunka igu tusay.

Waxa aan go’aansaday in aan diimo kal duwan barto: Hindu, Budhiisim, Kiristaan, Yuhuud, iyo Islaam.

Isla mar ahaantaana waxaan ku duceystay: “Illaahyow ii gargaar si xaqiiqda dhabta ah ee Adiga kugu saabsan aan u ogaado.”

Wakhti yar ka badib, ayaan maalin riyooday.

Waxa aan saarnaa doob maraysa biyaha dushiisa.

Fariintii riyadu waxa ay ahayd: “waxa aad moodaysaa in aad adigu hagaysid laakiin Illaahay ayaa wada.”

Riyaddii ka dib, qalbigayga waxa aan u furay Eebe wax kasta oo ay igu qaadataba.

29 kii bishii maarso 1990, markii aan casheeyay.

Waxa aan dareemay joogitaanka Eebe ee qolkayga.

Aad ayay u qurux badnayd. Eebe jaceylkiisu waa mid saafi ah!

Waxa aan fahmay in uu Eebe i jecelyahay. Aad ayaan u farxay!

Waxa aan doonayay in aan qalbigayga oo dhan siiyo.

Markii aan is dhiibay, Eebe waxa uu iga qaaday culeyskii oo daganaansho ayaan helay.

Waxa aan ogaaday in Kitaabka Baybalku run yahay.

Baybalka waxaa ku qoran: “Eebe waa jaceyl oo Ciise na waa Masiix”.

2000 oo sano ka hor ayuu u dhintay danbiyadeenii, danbiyadaydii, iyo wax kasta oo bani’aadamka iyo Eebe kala fogaynaya.

Markii aan noloshayda Ciise u furay (u ogolaaday).

Waxa uu isiiyay danbi dhaaf iyo nabada Eebe, ee Aabaha.

Ciise waxa uu yidhi: “Anigu waxa aan ahay runta, jidka, iyo nolosha. Qofna Aabaha uma tagi ilaa aniga xagayga mooyee”.

Waxa aan rabaa in aan idin dhiiri galiyo.

Raadi runta, Eebe raadi, Eebena wuu ku abaalmarin doonaa.

Waad ku mahadsantihiin daawasha aad qaybta 1 daawateen. Waxa aan rajaynayaa in aad qaybta 2 na daawan doontaan.

Sababta Eebbe (raadinta runta, qaybta 2)
2018-12-11T13:13:57+00:00

Pin It on Pinterest

Share This