Loading...

Sidee ayaad nolol ruuxi ah ugu noolaan kartaa?

Waa maxay qiimaha diintu?

Sidee ayaa runta u ogaan karnaa?

Dadku maxay diin u qaataan ama u aaminaan?

Waxa ay noqon kartaa si ay jawaabo ugu helaan su’aalaha sida:

Halkeen ka imid? Maxaan u noolahay? Halkeen tagayaa nolosha ka dib?

Sababtu wax kasta oo ay tahay ba, diintu waxa ay ku tusaysaa jihada aad ka helayso nolol ruuxi ah.

Mararka qarkood dhamaanteen waxa aynu dareemi karnaa madhnaan gudaha ah.

Sababta oo ah waxa aynu ka fogaanay oo aynaan xidhiidh wanaagsan la lahayn Eebbihii ina abuuray.

Kitaab kasta oo diimeed waxa uu qorayaa sidii aan madhnaanshahaas ula tacaali lahayn.

Iyo sidii aynu u gaadhi lahayn nolol daa’imi ah.

Qaabkee ayaa wanaagsan oo jidkee ayay tahay in aynu raacno?

Kitaabkee ayaa Eebbe xagiisa ka yimid?

Kitaabka noocaas ah waa in aynu:

  1. Wax badan ka ogaanaa Eebbaha wax abuura. Filinka “sababta Eebbe” waxa aan ku sharaxayaa sababaha.
  2. Akhri sheekooyinkii hore oo soo bilow.
    Eebbe waa daa’im. Haddii ay diini xaga Eebe ka timid waa in ay bilowgii soo bilaabmatay.
  3. Xigmada Eebbe, wada jirka, iyo is waafaqsanaantu waa raadraaca abuurka dabiiciga aynu ku aragno.
  4. Akhri waxyaabaha runta iyo xaqiiqda ku saabsan. Haddii ayna run ahayn waa wax aan micno lahayn.
  5. waa in aynu xal Eebbe u helnaa madhnaanta gudaha iyo in uu qofku naftiisa uun ka fekero.
    Sababta oo ah waa waxa aynu ka filayno Illaaha nolosha, jaceylka ee aan khaldamin.
  6. Si aynu u helno jidka nabada iyo jaceylka xaga qalbiga.
    Jaceylku abuurka ayuu isku hayaa. Taasi waa u jeedada Abuuraha (Eebbe).
  7. Waa in aynu maqalnaa codka Eebbe. Haddii uu kitaabku yahay mid xaga Eebbe ka yimid, Isaga waxa uu rabaa in uu inala hadlo isaga oo kitaabka isticmaalaya

Kitaabka Quduuska ma yahay kitaab noocaas ah? Shuruudahan mid mid aynu u eegno.

1.Abuuraha

Baybalku ma sheegayaa in Eebe yahay abuuraha nolosha?

Baybalku waxa uu in tusayaa in Eebbe yahay abuuraha uunka iyo nolosha.

Waxa la inoo abuurahay si aynu Eebbe noloshiisa iyo jaceylkiisa ula wadaagno.

Dhamaanteen waxa aynu rabnaa jaceyl dhab ah iyo farxad.

Dhamaanteen waxa aynu rabnaa ixtiraam iyo jaceyl. Taasi waa siin xaga Eebbe ah.

Badanaa waxa aynu isku daynaa in aynu jaceylka ka raadino meelo aan haboobayn.

2. Sheekooyinkii hore

Sheekooyinka Baybalku ma ka soo bilawdaan bilowgii bani’aadamka?

Sheekooyinkii hore ee Baybalku aad ayay u da’ weynyihiin.

ku dhawaad 15.000 oo miisas caro ah oo la qoray 2300 CH ayaa Suuriya laga helay.

Sheekooyinka halkaas laga helay waxa ay la mid yihiin sheekooyinka ku qoran buugga ugu horeeya ee Baybalka.

Baadhayaasha aaraadii hore waxa ay daahfureen meelo badan oo da’ weyn.

Waxa ay heleen cadaymo xaqiijinaya waxa Baybalka ku qoran.

3. Wada jir iyo Iswaafaqsanaan

Baybalka ma ku aragnaa xigmad Rabbi, wada jir iyo is waafaqsanaan?

Baybalku waxa uu ka koobanyahay 66 kitaab oo ay qoreen 40 qoraa 1500 sanadood gudahood.

Laba qaybood ayuu ka koobanyahay: Axdigii hore iyo Axdiga cusub.

Iswaafaqsanaan la yaab leh ayaa kutubtaas ka dhaxaysa.

Waxa Axdiga hore ku qoran sida dadkii hore uga leexdeen noloshoodii fiicnayd ee Eebbe.

Waxa aynu ka heli karnaa in ka badan 60 saadaalin (wax sii sheeg) oo Masiixa ku saabsan.

Oo u iman sidii u dib ugu soo celin lahaa xidhiidhka Eebbe.

Saadaalintaas waxay si faahfaahsan uga hadlayaan noloshiisa oo dhan bilaw ilaa dhamaad.

Waxyaabahaas oo dhan waxay cadayn u yihiin Masiixa dhabta ah ee Yuhuuda.

Professor Stoner waxa uu xisaabiyay in uu qof kaliya buuxinayo 8 kamid ah saadaasha.

Xisaabtaasi waa 1 oo laga soo dhexsaaray 1017, taasi macnaheedu waa 1 oo laga soo saaray 100.000.000 x 1.000.000.000.

Suurtagal maaha in qof kaliya uu dhamaan buuxiyo. Laakiin Ciise wuu buuxiyay.

Waa in aan xasuusanaa saadaasha ku saabsan Masiixa badankooda

Waxaa dib loogu noqonayaa in ka badan 600 sano Ciise hortii.

Waxa Axdiga hore la soo gabagabeeyay oo afka Giriiga lagu turjumay ka hore laba qarni Ciise hortii.

Sidaas daraadeed ayuu Axdiga cusub u sharaxayaa in Ciise uu yahay Masiixa dhabta ah ee Yuhuuda.

Isagu waxa uu buuxiyay waxyaabaha la sii sheegay ee ugu muhiimsan ee Axdiga hore.

Isagu waa Masiixiga kaliya ee sharciga ah.

4. Runta

Dhacdooyinka Baybalku sheegay ma dhaceen?

Qaybtii 3a halkaas ha inoo jooto.

Hada waxa aad daawan kartaa qaybta 3b ee filinka “Sirta diinta dhabta ah iyo nolosha ruuxiga” si aad u baadho shuruudaha kale.

“Sirta” diinta dhabta ah iyo nolosha ruuxiga.

“Sirta” nolosha iyo diinta (raadinta runta, qaybta 3b)
2018-12-11T13:13:45+00:00

Pin It on Pinterest

Share This