Loading...

Qaybta 3b

Waxa jira todoba shuruudood oo lagu qiimeeyo dhab ahaanta diinta.

Diinta Kiristaanka ayaa la tijaabinayaa. Saddex shuruudood qaybtii 3a ee filinka ayaan kaga hadalnay.

Qaybta 3b waxa aan kaga hadlaynaa qiimaha diinta inagoo 4 shuruudood ee kale isticmaalayna. Tolow ma ka badbaadi?

Ila raadiya sirta diinta dhabta ah iyo nolosha ruuxiga.

4.Runta

Dhacdooyinka Baybalka ku qoran ma wax dhacay baa?

Taariikh yaqaanka C. Sanders waxa uu leeyahay 3 wax ayaa lagu qiimeeyaa in ay dhacdo taariikheed dhacday.

Waxa ay kale yihiin: 1. Qoraalka oo la dhaliilo; 2. Cadaymo gudaha ah, iyo 3. Cadaymo ka baxsan

4a.Qoraalka oo la dhaliilo

Dhaliilida qoraalku waa dersida sida qoraalkii asalka ahaa loo soo dajiyay.

Ma haynaa qoraalkii asalka ahaa ee ay qoreen qoraayaddii ugu horeeyay ee Baybalku?

Dhab ahaanta Axdiga hore waxa xaqiijiyay waxyaabaha laga helay “bada dhimatay”.

Ma jiro wax u dhigma taariikhda qoraalada Axdiga Cusub.

Waxa la helay in ka badan 5000 oo koobi koobi, iwm…oo qoraalkii saxda ahaaya, kuwaas oo lagu magacaabo “manuskiribtis’.

Qoraalkii ugu da’da weynaa ilaa hada ee Axdiga Cusub waxa la yidhaa “P52”

Waa qayb ka mid ah Injiilka Yooxaana oo ku taariikhaysan ilaa 125 Ciise kadib.

Dhamaan qoraalada Axdiga Cusub waxa ay ka kala yimaadeen gobolo iyo wakhti kale duwan hadana farqi weyn uma dhaxeeyo.

Saynis ahaan waxa aan si dhab ah u hubnaa

In aan hayno qoraalkii asalka ahaa ee Axdiga Cusub ee ay qoreen qoraayaddii ugu horeeyay.

4b.Cadaymaha gudaha

Cadaymaha guduhu waa awooda ay qoraayadu u leeyihiin in ay runta sheegaan.

Ma awoodayeen qoraayaddii Axdiga Cusub in ay runta sheegaan?

Qoraayada Axdiga Cusub goob joog ayay ahaayeen ama goob joogayaal ayay wareysteen.

Injiilka si degdeg ah ayaa loogu faafiyay loogana aqbalay dhamaan boqortooyadii Roomanka qarnigii u horeeyay.

Taasi macnaheedu waxa weeyi akhristayaashii u horeeyay ee yaqaanay Ciise waxa ay Axdiga Cusub u tixgaliyeen in uu dhab yahay.

4c.Cadaymo ka baxsan

Cadaymaha ka baxsan waa xaqiijinta taariikhda ee laga helo meelo kale.

Cadaymaha ka baxsan ma xaqiijinayaa waxa ku qoran Axdiga Cusub?

William Ramsay (aqoonyahan aaraada hore) waxa uu cadeeyay in Axdiga Cusub la qoray qarnigii u horeeyay Ciise kadib.

Taariikhyahanadii  yuhuuda ee qarnigii 1aad iyo 2 aad Ciise kadib sida Josephus Flavius iyo Roman Tacitus.

Waxa ay wax ka qoreen Ciise oo ay yidhaahdeen “Masiixa” Israiil.

Hogaamiyayaashii kaniisadaha ee qarnigii 1aad iyo 2aad Ciise kadib waxa ay xaqiijiyeen in Axdiga Cusub lagu kalsoonyahay.

Sidaa darteed, qoraalkii asalka ahaa waan haynaa, qoraayadu waxay awood u lahaayeen in ay runta sheegaan ku kalsoonaantooda waxa xaqiijiyay waxyaabo lagu kalsoonaan karo.

5.Xal xaga Eebbe ah

Xal xaga Eebbe ah ma ka helaynaa Baybalka oo inaga bogsiiya madhnaanta gudaha iyo danaysiga shaqsinimo?

Maadaama oo aan Eebbe dhabarka u jeedinay waxa aan dareemaynaa madhnaan xaga gudaha ah.

Waxaa go’ay xidhiidhkii aan Eebbe la lahayn oo waxaan noqonayn danaystayaal.

Dabeecad ahaan ma awoodno in aan si buuxda sharciga Eeebe u raacno.

Sidaas darteed, danbiilayaal ayaynu nahay.

Ma awoodno in aan bixino daynta danbigeena.

Nabiyadii Axdiga Hore ayaa sheegay in taasi Eebbe badali doono.

In dadku ay heshiis cusub la gali doonaan oo ay ku dhaqmayaan.

Ciise waxa uu u yimid si uu danbiyadeena u qaado. Iskutalaabta dusheeda inaga ayuu inoogu dhintay, sidii la balan qaaday.

Waxa uu ka sara kacay geeridii si aan heshiis cusub u galno.

Hogaamiye diimeed geerida ka sara kacay ma jiro Ciise mooyaane.

Awood caynkee ah ayay waxyaabahaasi ku dhici karaan? Awooda Eebbe ayuunbaa samayn karta!

Haddii ay karayaan dadkii ka soo horjeeday maydiisa ayay keeni lahaayeen.

Waxa ay u isticmaali lahaayeen sidii ay u tirtiri lahaayeen diinta.

Laakiin boqolaal ka mid ah xertiisii ayaa aragtay isla markiiba in uu Ciise saray kacay.

In badan oo xertiisa ah way shahiideen sababta oo ah waxa ay ogaayeen in Ciise sara kacay.

Fariintii Kiristaankii u horeeyay iyo fariinta maanta waxa weeyi warka wanaagsan!

Haddii aad aaminto Ciise noloshaadu way is badali

Oo waxa aad heli nolol daa’imi ah.

Ma rabtaa in aad raacdo jaceylka Ciise Masiix mise waad iska diidi? Adiga ayaa doorashada leh.

6.Nabad iyo jaceyl

Ka waran “Nabada iyo jaceylka?”

Qofka si dhab ah u raaca Ciise waxa uu noqonayaa isaga oo kale Eebbena waxa uu siiyaa nabad iyo jaceyl. Waxaa wax isku daba xidhan.

Waxa aan aragnay in Baybalku buuxiyay dhamaan 6dii shuruudood. Waxa aan idiinku yeedhayaa in aad shuruuda 7aad heshaan.

7. Codka Eebbe

Codka Eebbe ee Baybalka ku jira ma maqli kartaa?

Maxaad u bilaabi laadahay in aad Injiilka akhrido oo Eebbe aad waydiisato in uu qalbigaaga la hadlo?

Waxa uu diyaar u yahay in uu diintiisa ku fahansiiyo.

Waad ku mahadsantihiin dawaasha aad qaybta 3 daawateen. Waxa aan rajaynayaa in aan mar kale idinku arko qaybta 1 iyo 2aad.

Waxa aan jecelahay in uu filinkani kaa caawiyay baadi goobka aad ugu jirto runta.

2018-12-11T13:13:38+00:00

Pin It on Pinterest

Share This