Daahfurintaanada saynisku ma xaqiijinayaan jiritaanka Eebbe?

Waa sida halxidhaalaha oo kale. Haddii aad xaqiiqooyinka isku wada keento, sawir caynkee ah ayaa kuu soo baxaya?

Waxa aan isticmaali daahfuritaanada saynisku sameeyay si aan uga jawaabo su’aasha ku saabsan jiritaanka Eebbe.

Saynis ayaynu isticmaalnaa si aynu u sharaxno xaqiiqda.

Daahfuritaanada saynisku waa sida qaybaha hal xidhaalaha oo kale.

Haddii aad qaybahaas meel iskugu keento

Sawir caynkee ah oo nolosha bilowgeedii ah ayaa kuu soo baxaya?

Ugu horeyn, waxaa jira waxyaabo ku xadidaya.

Eebbe lama dersi karo inaga oo ka soo qaadayna in uu tijaabadeena ka mid yahay.

Eebbe waxa uu ku noolyahay carshi kale.

Dad shaki qaba ayaa yidhaa: “Eebbe waa mala’awaal aan maskaxda ka samaynay”.

Hadaba su’aasha ugu horeysa waxa weeyi: “Eebbe ma jiraa?”

Kaba soo qaad in aanu Eebbe jirin.

Noloshu waxa ay noqonaysaa mid iska timid uun oo aan wax macno ah samaynayn.

Sidaasi run ma noqon kartaa?

Bal xaqiiqda aan fiirino. Uunku (adduunka) waxa uu ka abuurmay “qaraxii weynaa”.

Awood ka weyn oo kaliya ayaa suurto gal ka dhigtay in uu “qaraxii weynaa” dhaco.

Dhulkeenu waxa uu taaganyahay meel amaan ah.

Waxyaabo badan oo muhiim ah ayaa jira oo nolosha suurta galiya.

Barta dhulkeenu uu taaganyahay iyo xeerarka dabiiciga ah ee jira waxa ay ina tusayaan qaab wanaagsan oo isku xidhan.

U fiirso DNA bani’aadamka.

Waa warbixin gaar ah oo adag in la fahmo.

Waxa ay qeexdaa nooca molakuyuulada booratiinka ah ee ay tahay in ay samaysmaan.

Halkii unug waxa uu ka koobanyahay saddex ilaa shan boqol oo molakuyuulo booratiin ah.

Ama u fiirso “isha”. Waa nidaam si wanaagsan iskugu xidhan oo 40 nidaamyo hoosena ay si fiican u shaqaynayaan.

Malaayiin unug ayaa ku jira. Waa wax cajiib ah!

Maykrooskoob ama weyneeyaha marka lagu fiiriyo unugyada maskaxda, indhaha iyo DNA.

Ma u malaynaysaa in nidaamyadaas biyolojiga ah ay iska yimaadeen uun ama ay iska abuurmeen?

Waxa aan u jeedaa waxba ma wax ayay soo saartaa?

Wax iska yimid uun ma waxa uu samayn karaa nidaam isku xidhan oo shaqaynaya?

Inaga oo ku salaynayna waxa aynu aragno, waxa aynu u baahanahay maskax si aynu u samayno nidaam warbixineed.

Xeer ka labaad ee “termodhaynamikis” nidaamyadu hoos ayay u wiiqmaan marba marka ka danbaysa.

Laakiin waxa jira wax taasi ka sii weyn.

In uu wax iska yimid uun ma sharixi karo xidigaha iyo midabyada aan aragno.

Iska imaatinku ma sharixi karo jiritaanka damiirkeena, runta, cadaalada, iyo jaceylka.

Sidaas darteed, jiritaanka Eebbe ayuunbaa sharaxi kara si aynu u fahano xaqiiqda aynu arkayno.

Saynisyahankii caanka ahaa ee Albert Einstein ayaa waxa uu yidhi:

“Eebbe waxa uu isku muujiyaa sida wanaagsan iyo is waafaqnaanta ka dhaxaysa waxyaabaha jira oo dhan.”

Wakhtigan hada la joogo, saynisyahano badan ayaa aaminsan in maskax sare ka danbayso qaabka nolosha ee dhulka dushiisa.

Maskaxdaa sare Eebbe ayaa iska leh.

Dadka adduunka badankoodu waxa ay aaminsanyihiin jiritaan Abuuraha.

Laakiin waxaa jira diimo kale duwan oo ku salaysan sheekooyin kale duwan oo dad ka qoreen Eebbe.

Qaybta 3 waxa aan ku sharixi doonaa sidii aad u qiimayn lahayd uguna kalsoonaan lahayd diinta.

Gaar ahaan waxa aan daaha ka qaadi diinta Kiristaanka.

Waad ku mahadsantihiin dawashada aad qaybta 2 daawateen. Waxa aan rajaynayaa in aan mar kale isku aragno qaybta 1 ama 3.

“Sirta” nolosha iyo diinta (raadinta runta, qaybta 3a)
2018-12-11T13:13:51+00:00

Pin It on Pinterest

Share This